Ben Wallace ayaa sheegay inuu ka degi doona xilka Xoghayaha waaxda difaaca ee Boqortooyada Ingiriiska.
Waxaa uu sheegay in uu sidaan sameyn doona isku shandheynta xigta ee golaha wasiiradda ka dib afar sanno oo uu xilkan hayay.
Wargeyska Sunday Times ayuu u sheegay inuusan tartami doonin doorashada xigta, balse waxaa uu meesha ka saaray suurtagalnimada ah inuu hadda xilka ka dego isaga oo aan waqtiisa dhamaan oo uu sababo doorasho kale.
Wallace ayaa inta uu xilkan hayay waxaa u la soo saddex ra’iisal wasaare, waxaa uuna door weyn ka qaatay jawaabtii UK ka bixisay dagaalkii Ukraine.
Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in ay filayaan isku shaandheynta xigta bisha Sagaalad ee September