Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar.
Kulanka ayaa waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo saraakiil kale.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Kulankan goob joog u ahaa.
Duqa Magaalada Muqdisho Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa waxaa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.
Sidoo kale Saraakiisha Xarunta ayaa lagu amaanay sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii Al-Shabaa 22-January ee sanadkaan kusoo qaadday xarunta Gobolka Banaadir.