Wasirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in isbadalka Cimiladu uu saameeyey noolasha malaayin qof oo qaaradda Africa Ku nool .
Isagoo ka hadlayay munaasabada furitaanka kalfadhiga 43-aad ee golaha fulinta ee Midowga Afrika, ayuu wasirka sheegay in saameynta isbedalka cimiladu ay aad u daran tahay gudaha qaaradda Africa .
Waxa uu sheegay in saameyntu ay gaartay dhaqaalaha ku saleysan beeraha.
Dr. Mutua ayaa xusay in shirarka cimilada adduunka ay samaynayaan ballanqaadyo waxqabad iyadoo ay aad u yar tahay in laga qabto fulinta tallaabooyinka yaraynta iyo la qabsiga labadaba.
Waxa uu ku baaqay wada shaqayn dhex marta wadamada Afrika si ay awood ugu yeeshaan in ay la yimaadaan xalal la taaban karo oo ku saabsan saamaynta xun ee isbedelka cimilada.