Madaxweynaha ee dalka William Ruto ayaa sagootiyay Safiirka Qatar Jaber bin Ali Al Dosari kadib markii uu dhameystay muddo xileedkiisa .
Madaxweynaha ee dalka William Ruto oo warbaahinta kula hadlay magaalada tan Nairobi ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go’aan tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeyo dalka Qatar qasatan dhinacyada dalxiiska iyo xoolaha .
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Qatar uu sii kobcayo si loo xoojiyo fursadaha dhaqaale iyo bulsho ballaaran.
Tan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalgashayaasha Qatar ay bishii la soo dhaafay ballanqaadeen in ay maalgelinayaan mashaaricda waaweyn ee dowladda Kenya Kwanza .
Ururka Maalgashiga ee Arkan ayaa ballan qaadeen inay taageeraan mashaariicda ay ka mid yihin caasimadda Kileleshwa iyo Degmada Maaliyadeed ee Magaalada Pesa ee Nairobi.
Ururka Maalgashiga ee Arkan ayaa ah urur ganacsi oo ka howlgalo wadamo kala duwan .