Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Marwada Koowaad Mama Rachel Ruto Oo Ku Dhawaaqday Dadaallada Dowladda ee Daryeelka...

Marwada Koowaad Mama Rachel Ruto Oo Ku Dhawaaqday Dadaallada Dowladda ee Daryeelka Carruurta

52
0

Marwada koowaad, Mama Rachel Ruto ayaa sheegtay in dowladda in ay ka go’an tahay daryeelka carruurta dalka. Marwada madaxweynaha oo shalay hadal ka jeedisay skoolka hoose dhexe ee Kaptembwa ee ismaamulka Nakuru oo ay ka socotay munaasabad lagu xusayay maalinta carruurta adduunka ayaa sheegtay in dowladdu ay si gaar ah diiradda u saartay sidii ilmo kasta oo ku nool Kenya uu u heli lahaa fursad uu wax ku barto, iyado laga xorooneya  culeysyada gaajada iyo nafaqa-darrada. .

 Mama Rachael ayaa sheegtay in Kenya ay ku tala jirto in ay gaarto yoolka Quudinta skoolada Caalamiga ah ee  kahor sanadka 2030-ka oo ah 10 milyan oo cunto ah maalin kasta.iyado dalku hadda quudinayo 2.5 milyan oo carruur ah maalin kasta.

Marwada koowaad waxay la wadaagtay hammigeeda ballaadhan ee ah inay ka taageerto quudinta dugsiga  dhanka kale  ugu baaqday sharci-dejiyeyaasha inay si ku filan u maalgeliyaan barnaamijyada quudinta dugsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here