Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) PSC oo Raadinaysa Xoghayaha Joogtada ah ee Adeegga Dadweynaha

PSC oo Raadinaysa Xoghayaha Joogtada ah ee Adeegga Dadweynaha

40
0

Guddiga Shaqaalaysiinta ee Dawladda ee PSC ayaa doonaya inuu buuxiyo  booska Xoghayaha Joogtada ah ee Adeegga Dadweynaha.

Gudoomiyaha PSC Antony Muchiri ayaa xaqiijiyay in booskan uu banaanaaday ka dib markii dib u habeyn lagu sameeyay madaxda sare ee waaxda fulinta.

Si kastaba ha ahaatee, xaysiinta booskan ayaa dhaliyey hadal hayn ku saabsan isbeddellada soo socda ee xukuumadda ka dib markii uu Madaxweynuhu dhawaan ka dhawaajiyey inuu sii wadi doono dhisida xukuumaddiisa salka-ballaaran.

Xoghayaha Joogtada ah ayaa waxa ay shaqadiisa noqon doontaa fulinta siyaasadaha dawladda, fududaynta gaaritaanka yoolalka iyo ujeedooyinka dawladda iyo barnaamijyada iyo mashaariicda dawladaha ka dhexeeya.

Waajibaadka kale waxaa ka mid ah horumarinta iyo hirgelinta nidaamka maaraynta waxqabadka , hubinta in si hufan looga faa’ideysto dhaqaalaha, shaqaalaha iyo kheyraadka kale ee waaxdan.

Guddiga PSC ayaa xusay in 4-ta bisha labo iyo tobonaad ee Diseembar  inay tahay maalinta kama dambaysta ee codsiga.

Dadka daneynaya booskan ayaa laga doonaya inay haystaan shahaadada koowaad ee jaamacada iyo ugu yaraan 10 sanno oo waayo-aragnimo xirfadeed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here