Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay dab habeenkii Talaadada ka kacay Kitui village, ee ku taala xaafada isku rararanta ee Majengo ee magaalada Nairobi.
Sida ay sheegayaan wararka, 19 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada dabka.
Dhaawaca ayaa kooxaha gurmadka degdega ah u qaaday isbitaalada ku dhow dhow goobta iyaga oo qaba dhaawacyo kala duwan,iyada oo booliiska ay ka shaqeynayeen xalay oo dhan sidii ay u xakameeyn lahayeen xaaladda una caawiyaan dadka badbaaday.
Dabka ayaa baabi’iyay in ka badan 50 guri, iyadoo qoysas badan ay ku barakaceen, lamana oga waxa sababay dabka, iyadoo taliyaha booliska Nairobi Adamson Bungei uu xaqiijiyay inay baaritaano ku socdaan.
Hay’ada Laanqeyrta cas ee dalka ayaa sheegtay in ay daweysay ugu yaraan 16 qof oo qaba dhaawacyo fudud, iyadoo baadigoobka dadka la la’yahay uu socday ilaa xilli dambe xalay .
Masiibadaan ayaa waxaa ku naf waayay qoysas badan, iyadoo dadkii ka badbaaday dabka ay codsadeen in laga caawiyo sidii ay noloshooda dib ugu dhisi lahaayeen, kadib markii ay dabka ku waayeen guryahoodii iyo hantidoodii .