Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in diblomaasiyadda dhaqaalaha ay udub dhexaad u tahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya.
Madaxweynaha ayaa maanta sheegay in dib u eegista joogtada ah iyo xoojinta lagu sameynayo siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya loogana dhigayo hal dukumeenti oo dhammaystiran ay ka tarjumayso jawaabta istaraatiijiyadeed ee dalka ee isbeddellada soo ifbaxaya ee arrimaha caalamiga ah.
Isaga oo ka hadlayay maanta shir ku saabsan madasha wadatashiga siyaasadda arrimaha dibadda oo ka dhacay xaruunta shirarka caalamiga ah ee KICC ee magaalada Nairobi, ayuu madaxweyne Ruto sheegay in Kenya ay tahay in ay si joogto ah u eegto oo ay dib ugu eegto siyaasaddeeda arrimaha dibadda si loo xaqiijiyo in ay sii ahaato mid ku habboon horumarinta danaha iyo qiyamka qaranka.
Hoggaamiyaha dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dib u eegista lagu samenayo siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ay qayb ka tahay tillaabooyinka waaweyn ee ay dowladdu qaadayso si loo horumariyo siyaasad arrimaha dibadda oo loo dhan yahay si loo horumariyo danaha qaranka ee wadanka.