Waaxda Baarista Dambiyada ee Kahortagga ka ganacsiga dadka oo kaashaneysa waaxda ilaalinta carruurta ayaa gacanta kusoo dhigay koox tuugo ah oo caruurta ka ganacsada iyaga oo soo badbaadiyay laba dhibane.
DCI ayaa sheegtay in qof dumar ah oo laga shakisan yahay oo booliska ay muddo ku daba jireen ugu dambeyntii lagu qabtay Kabete.
Xariga ayaa yimid kadib markii la gudbiyay warbixin muujineysa in ilmo laga xaday gurigeeda oo ku yaala ismaamulka Kakamega bishii June
Bayaan ay soo saartay DCI ayaa lagu sheegay in bishii June, eedaysanaha ay khiyaameeysay wiil iyada oo u shaqeynayay iyadoo uu sheegtay in cunigiisa ay gayn doonto iskuul ardeyda bilaash wax lagu baro waalidiintana la siiyo lacag dhan 9,000 oo shilin bishiiba.
Waxaa la sheegay in aan dib dambe loo arkin halkay ku dambeysay.
Baaritaano dheer oo ay sameeyeen ciidamada ayaa waxa ay soo badbaadiyeen cunuga, waxa ayna gacanta ku dhigeen eedeysanaha.