Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa loo magacaabay xubin kamid ah guddiga Tana Forum, kaas oo raadiya xalal maxali ah si wax looga qabto caqabadaha amni ee ugu daran ee qaarada Afrika.
Madaxweyne Kenyatta ayaa ku biiraya Madaxweynayaashii hore ee Ghana, Malawi, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee kala ah John Dramani, Joyce Banda iyo Catherine Samba-Panza iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Burkina Faso Lassina Zerbo.
Tana Forum ayaa sheegay in aqoonta iyo khibradiisa baaxadda leh ee Kenyatta lagu wado in ay si weyn u xoojiyaan dadaalladayada wadajirka ah ee horumarinta hadafka iyo hiigsiga Madasha.
Qareenka Kenyanka ah ee Patrick Lumumba ayaa sidoo kale ku jira guddigan oo uu guddoomiye u yahay Dramani.
Guddiga ayaa sheegay in Uhuru kenyatta uu waayo-aragnimo u leeyahay wada-hadallada nabada maadama uu soo hogaamiyay wadahadaladii Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo qaybaha kale ee qaarada .