Wasiirka Difaaca Soipan Tuya ayaa sheegtay in Kenya Shipyards Limited ay awood u leedahay inay dhisto maraakiibta rakaabka, kalluumeysiga iyo kuwa xamuulka.
Soipan oo hadlaysay xilli ay xariga ka jareysay Markabka MV Uhuru II oo dib loo dayactiray ayaa sheegtay in markabkan uu wax ka tari doono dib u habeynta ganacsiga gobolka Harada.
Waxay sheegtay inay sidoo kale gacan ka geysan doonto shaqo abuurka gobolka iyagoo ka ganacsanaya guud ahaan biyaha harada Victoria.
Dhanka kale , wasiirka gaadiidka Davis Chirchir ayaa sheegay in hindisaha Kenya ee dhismaha maraakiibta ay dalka u horseedi doonto horumar ballaaran.
Waxa uu sheegay in waaxda gaadiidku ay muhiim u tahay dhaqaalaha maadaama ay taageerto kobaca dhaqaale ee degdega ah