Douglas Kanja Kirocho ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha a Guud ee Booliska dalka.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa jornaalka rasmiga ah ee Dowladda kusoo daabacay Magaca Taliyaha oo hadda si rasmi ah u badeli doono taliyihii hoore ee booliska Japeth Koome oo bishii July ee sanadkan is casilay.
Kanja wuxuu xilka hayn doonaa afar sano.
Magacaabistan ayaa timid kadib markii baarlamaanka qaranku uu ansixiyay magacaabista Kanja.
Kanja oo sidoo kale kamid noqon doona Guddoomiyeyaasha Guddiga Adeegga Booliska Qaranka, ayaa ahaa Kuxigeenka Kormeeraha Guud ee Adeegga Booliska Kenya ka hor inta aan loo magacaabin Ku Simaha Taliyaha Guud ee Booliska ka dib markii uu is casilay Japheth Koome.
Kanja ayaa shaqo heersare ah ka soo qaabtay Adeegga Booliska Qaranka waxa uu soo noqday Taliyaha Qaybta Adeegga Guud muddo shan sano ah, Taliye ku-xigeenka Qaybta Adeegga Guud muddo saddex sano ah, Taliyaha Booliska Gobolka ee masuulka ka ah Gobolka Kilifi iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Qeybta Booliska Garoomada Kenya
Kanja waxa kale oo ay soo noqotay Agaasimaha Waaxda Dembi-baadhista ee Agaasinka Dembi-baadhista (DCI), Taliyaha Qaybta Bilayska ee La-dagaalanka Argagaxisada (ATPU), iyo Agaasimaha Hawlgelinta ee Adeegga Booliska Qaranka (NPS).
Waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay meelo kala duwan oo dalka ah, sida Nairobi, Coast, Eastern, Rift Valley.