Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Madaxweyne ku xigeenka dalka oo baaq u diray laamaha amaanka ee Lamu

Madaxweyne ku xigeenka dalka oo baaq u diray laamaha amaanka ee Lamu

91
0

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ku ammaanay hay’adaha kala duwan ee ammaanka ee ismaamulka Lamu sida ay u yareeyeen kiisas amni darro oo ka dhaca guddaha ismaamulkaasi.

Gachagua ayaa sheegay in khatarta amni ee Lamu ay tahay mid adag oo loo baahan yahay dhammaan Waxyaha kala duwan ee dowladda si loola dagaallamo isagoo intaasi ku daray in la qaaday  tillaabooyin waaweyn oo lagu xaqiijinayo amniga ismaamulkaasi.

Isagoo ka jawaabaya baaqyo uu soo jeediyay Senatorka sida magacaabista ah kuso gala aqalka barlamaanka ee Sakila Abdalla ee ah  in eeyaha wax uriya ee jooga  isbaarooyinka kala duwan ee ismaamulkaasi la qaado, Gachagua ayaa sheegay in dowladdda aynan  dheg jalaq u siin doonin codsigaas maadama amniga ismaamulkaasi uu sii xumanaayo.

Waxa uu taa badalkeeda ku booriyay dhamaan dadka degan Lamu in ay u dulqaataan dhibaato kasta oo ka dhalata howlgalkaasi.

Isagoo ka hadlayay intii lagu guda jiray aaska barasab ku xigeenkii Lamu Raphael Munyua, Madaxweyne kuxugeenka ayaa ku baaqay nabad kuwada noolaanshaha dhammaan dadka Kenyaanka ah iyadoon loo eegayn meesha ay ka yimaadeen ama diintooda.

Barasaabka Lamu Issa Timmamy iyo dhiggiisa Mombasa Abdulswamat Nassir ayaa ugu baaqay dowladda qaranka in ay waqtigeeda ku fasaxdo lacagaha qoondada ee Ismaamulada si dowladdaha ismaamulada ay u fuliyaan adeegyada muhiimka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here