Madaxweyne William Ruto ayaa shalay shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee golaha wasiirada cusub ee dhawaan lagu soo dhisay, kulan ka dhacay aqalka madaxtooyada ee Nairobi.
Madaxweynaha ayaa u sheegay xubnaha Golaha Wasiirada in aysan ka qeyb galin oo kaliya arrimaha la xiriira Wasaaradahooda balse ay ka qeyb qaataan arrimaha muhiimka ah ee Qaranka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in shirarka Golaha Wasiirada iyo Guddiyada looga baahan yahay inay ka hormariyaan danaha kale.
Shirkaas ayaa Golaha Wasiirada lagu wargaliyay in horumar laga sameeyay arrimihii uu Madaxweynuhu u balan qaaday dalka markii uu magacaabay Golaha Wasiirada, oo ay ka mid ahaayeen dijitaaleynta hanaanka wax lagu soo iibsado ee dowladda si uu u noqdo mid daah-furan, iyo in sidokale xogaha mushaaradka dawladda lagu bixiyo laga dhigo mid dijitaal ah si meesha looga saaro shaqaalaha been abuurka ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ballan qaaday in la xaqiijin doono dowlad la xisaabtan leh iyo la dagaalanka musuq maasuqa.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale laga dhageystay warbixin ku saabsan barnaamijka Caafimaadka guud , oo ah barnaamij muhiim ah oo dowlada oga gol leeyahay in ay ku xaqiijiso in dhammaan dadka Kenyaanka ah ay helaan daryeel caafimaad oo buuxa.