Wasiirka ganacsiga, dalxiiska iyo warshadaynta ee ismaamulka Vihiga Joseph Lunani ayaa ugu baaqay haweenka inay sameystaan hal-abuurka ganacsiga.
Lunani waxaa uu ku dooday in haweenka muddo dheer la takoorayay oo ay tahay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha wanaagsan ee jira si isu xoojiyaan dhaqaale ahaan.
Wasiirka ayaa sheegay in haweenku ay tahay inay taageero maaliyadeed u raadsadaan Sanduuqa Ganacsiga Haweenka ee (WEF) iyo Sanduuqa Waxqabadka haweenka Qaranka ee (NGAAF) si ay u sameystaan ganacsi ay dakhli ka helaan.
Isaga oo ka hadlayay intii lagu guda jiray madasha ganacsiga haweenka ee ismamaulka Vihiga oo uu soo qabanqaabiyay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Kenya ee (KNCCI), ayuu Lunani ku dhiirigeliyay haweenka inay sameeyaan ganacsi dhanka beeraha ah.