Dawladda Qaranka ayaa bilawday dhismaha 955 guri oo ah kuwa qiimo ahaan la awoodi karo oo laga dhisayo magaalada Nyahururu, ee ismamaulka Laikipia.
Intii lagu guda jiray kormeer uu ku tagay goobta uu dhismuhu ka socdo, ayuu agaasimaha guryaha ee gobolka dhexe ee dalka Albert Gakuru shaaca ka qaaday in guryaha la qorsheeyay ay ka koobnaan doonaan guryo kala duwan oo ay ku jiraan labo qol iyo hal qol iyo qolal jiif kaliya ah.
Gakuru ayaa sheegay in magaalada ay muddo dheer ka jirtay gabaabsi guryaha kirada ah isagoo intaa ku daray in mashruucan looga golleeyahay in lagu yareeyo caqabadan iyadoo la suurtagelinayo guryo qiimo jaban oo gudaha gobolka ah.
Dhankiisa, gudoomiye ku xigeenka ismaamulka Nyahururu Beard Odino ayaa muujiyay dareen kan la mid ah isagoo sheegay in waaxyada guryeynta ay u adeegi doonaan shaqaalaha rayidka ah, ganacsatada iyo shaqsiyaadka qaybaha aan rasmiga ahayn.