Maxkamadda Sare ayaa diiday inay ka laabato amarradeeda waxayna ku amartay ku-simaha Taliyaha Guud ee Booliska Gilbert Masengeli inuu hor yimaado maxkamadda Isniinta 9-ka bishan ama uu wajihi doono cawaaqib xumada ka dhalan karta diidmada u yeeritaanka Maxkamadda.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa doonaya in Masengeli uu horyimaado maxkamada uuna u sharaxo halka ay ku danbeeyeen labo wiil oo walaalo ah iyo nin u dooda xuquuda aadanaha oo la sheegay in boolisku ay labo todobaad ka hor ka afduubteen magaalada Kitengela.
Markii 5-aad ayuu taliyaha booliiska ka dhaga adegay u yeerista maxkamadda.
Malintii Talaadada Masengeli ayaa lagu amray in uu soo xaadiro maxkamadda maliinkii Khamiista ka dib markii uu sheegay in uu magaalada uga maqan yahay howlo shaqo.
Isla mar ahaantaana Khamiistii ayuu markale Maxkamadda ku wargeliyay isaga oo u maraya wakiil ka socda Xeer Ilaaliyaha Guud, in uu shirar uga qeyb galayo Gobollada Xeebta iyo Waqooyiga.