Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Aadan Ducaale ayaa dalka ka dhoofay isagoo u ambabaxay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast si uu Kenya ugu matalo Shirka 10-aad ee Gaarka ah ee Wasiirada Afrika ee arrimaha Deegaanka oo la qorsheeyay 5-ta ilaa 6-da bishan Sebtembar 2024-ka.
Shirkan ayaa ah madal loogu talagalay Wasiirrada Afrika si ay uga wada hadlaan oo ay u qorsheeyaan arrimaha isa soo taraya deegaanka ee saamaynta ku leh qaaradda.
Kalfadhiga sanadkan ayaa si gaar ah muhiim u ah iyada oo ujeedadu tahay in wax laga qabto caqabadaha isa soo taraya ee ka dhalanaya isbeddelka cimilada, xaalufka iyo luminta noolaha, iyadoo la raadinayo xalal waara oo ku habboon baahiyaha gaarka ah ee waddamada Afrika.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa wasiiradu waxa ay kaga doodi doonaan arrimo badan oo la xidhiidha deegaanka iyo hawlaha cimilada.
Kenya, oo caan ku ah ka-hortagga arrimaha cimilada iyo ilaalinta deegaanka, ayaa la wadaagi doonta fikradaha hindisayaasheeda, oo ay ku jiraan qorshaha 15-ka bilyan ee geedaha lagu beerayo iyo in dalka 30% geedo lagu beero marka la gaaro sanadka 2032-ka.