Waaxda Adeegga Booliska Qaranka (NPS) ayaa sheegay in Hawlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah ee loo yaqaano (MSS) ee dalka Haiti, oo ay hogaaminayaan Ciidanka Booliska Kenya, ay gaareen guulo muhiim ah laba bilood ka dib markii la howlgeliyay.
War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda booliska ayaa lagu sheegay in ciidamadani ay horumar la taaban karo ka sameeyeen xasilinta meelaha muhiimka ah ee caasimada Port-au-Prince, iyagoo si dhow ula shaqaynayay Booliska Qaranka Haiti iyo bulshada deegaanka.
Booliska ayaa warbixinta ku sheegay in sarakiisha hawlgalka MSS guulahoodii ugu muhiimsanaa ay ahaayeen xallinta khataraha muhiimka ah ee amniga iyo nabadgelyada dadweynaha.
NPS waxay isla markaas xaqiijisay in saraakiisheeda loo diray Haiti ay helayaan mushaharkooda caadiga ah, iyo in la dhamaystiray habaynta gunnooyinka ee hawlgalkaasi loogu talagalay.