Dowladda ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay ka dhaaftay shirkad wax soo saarta canshuur dhan 188.9 bilyan oo shilinka dalka ah, sidaas darteedna dalka loogu diiday dakhliga canshuurta.
Dacwad wadaha oo ah qareen lagu magacaabo Apollo Mboya ayaa maxkamada sare ee Nairobi u sheegay in dawladda ay ku kacday talaabo maamul oo canshuureed oo aan cadaalad ahayn, taasoo keentay in dalka uu waayo balaayiin shilin oo canshuur ahaan loo soo xawili lahaa si dalka looga caawiyo hormarka.
Dacwad oogaha ayaa maxkamadda u sheegay in heshiiska dhexmaray wasiirka maaliyadda qaranka, dhiggiisa ganacsiga iyo shirkadda Blue Nile Rolling Mills Limited uu ahaa mid sharci darro ah oo aan qiil loo heli karin.
Waxaa uu ku dooday in go’aankaasi uu sidoo kale abuuray jawi aan sinnayn oo soo foodsaaray shirkadaha warshadaha birta ee Kenya.
Garsoore Bahati Mwamuye ayaa go’aan ka soo saari doona arrintan 9-ka bisha Oktoobar kaddib markii uu faray dhinacyada inay soo gudbiyaan warqadahooda ugu dambeyn 20-ka bisha soo socota..