Madaxweyne William Ruto ayaa maanta lagu wadaa in uu si rasmi ah shaaca uga qaado ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga oo ah musharaxa u taagan xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Munaasabadda ayaa ka dhici doonta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi.
Madaxweyne Ruto ayaa ku casuumay madaxda wadamada Bariga Afrika inay ka soo qeyb galaan xaflada shaacinta Raila oo ah musharraxa Kenya ugu tartamaya xilka guddoomiyaha AUC.
Isaga oo ka hadlayay shirka caalamiga ah ee horumarinta Afrika ee (TICAD-9) oo ka dhacay Tokyo , Japan isla mrakanaa la soo gabagabeeyay Axadii ayuu madaxa golaha wasiirada Musalia Mudavadi wuxuu sheegay in ka dib marka uu si rasmi ah u daah-furo musharaxnimada Raila ee Madaxweyne Ruto, ay noqon doonto mid lagu xaqiijiyo in Kenya ay ku guulaysato kursiga.
Mudavadi, oo sidoo kale ah wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta, ayaa xusay in ololahan ay hogaamin doonaan shaqsiyaad khibrad iyo aqoon sare leh si loo xaqiijiyo natiijo wanaagsan.