Laba qof ayaa xalay ku dhimatay shil shil gaari ka dib markii gaari baas ah oo ay ku safrayeen uu ku dhacay god ku yaala wadada Gitaru slip.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah baskan oo ay leedahay kaniisad oo ka yimid galbeedka Kenya ayaa la sheegay in ay cilad soo wajahday.
Darawalka ayaa gaariga u weeciyay meel god ah, si uu uga badbaado in uu ku dhaco gaari kale oo wadada dhex yaalay.
10 qof ayaa qaba dhaawacyo halis ah halka kuwa kalena lagu daweynayo isbitaalo kala duwan oo ku yaala deegaanada Kikuyu iyo Kabete.