Madaxweyne William Ruto ayaa lagu wadaa in uu bilaabo afar maalmood oo booqasho ah oo uu ku tagayo gobolka Nyanza halkaas oo uu ka bilaabi doono mashaariic horumarineed oo dhowr ah.
Madaxweyne Ruto ayaa waxaa uu socdaalkiisa gobolka ka bilaabi doonaa deegaanka Bariga Kuria ee ismaamulka Migori si uu xadhiga uga jaro mashruuca biyaha ee Kegonga.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale daah-furi doona mashruuca Waraabka Hoose ee Kuja oo laga hirgelinayo deegaanka Nyatike iyo Waddada iksu xirta Ngere-Mapera ee deegaanka Bariga Suna.
Wuxuu kaloo daah-furi doonaa Mashruuca Biyaha Oyugis, Suuq Kalluun iyo waddoyin ee Homabay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa waxaa kale oo uu ka qayb gali doonaa xaflada mahadnaqa iyo soo dhaweynta lee wasiirka wasaarada maaliyada qaranka, John Mbadi taas oo ka dhacaysa Magunga ee koonfurta Suba.
Jimcaha, madaxwaynuhu wuxuu tagi doonaa countiga Siaya si uu u furo mashruuca Mageta Island Solar PV Mini Grid ka dibna waxa uu daah furi doona suuqa Siaya iyo warshada Siaya Rice Mill ugu danbayna waxa u ka qeybgeli doonaa xaflada mahad celinta wasiirka Tamarta Opiyo Wandayi .
Madaxweyne Ruto ayaa safarkiisa sabtida ku soo gabagabeyn doonaa ismamaulka Kisumu.