Dorcas Oduor ayaa si rasmi ah u noqotay haweeneydii ugu horeysay ee ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya.
Oduor ayaa saaka loo dhaariyay xilka kadib munaasabad ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi.
Intii ay socotay xafladda dhaarinta, Madaxweyne William Ruto waxa uu sheegay in Odour aynan shaqadaasi ku
helin in ay tahay qof dumar ah balse ay ku heshay kartideeda.
Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in uu ku kalsoon yahay in ay shaqada si hufan u gudan karto iyo in ay ka soo bixi karto Wajibaadkii loo igmaday.
Beatrice Askul Moe ayaa sidoo kale loo dhaariyay xilka Wasiirka Bulshada Bariga Afrika iyo Horumarinta Gobolka.
Madaxweyne Ruto ayaa Wasiirada u xilsaaray in ay furto awoodda ganacsi ee dalka.
Ruto waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay xirfada hoggaamineed ee Askul, isagoo xusay in mas’uuliyadeeda aysan ahayn Kenya oo keliya balse ay saaran tahay dalalka kale ee bulshada Bariga Afrika.