Hoggaamiyaha xisbiga Democratic Action Party-Kenya (DAP-K) Eugene Wamalwa ayaa ka digay qorshe lagu soo rogayo canshuuro cusub oo ay waddo dowladda Kenya Kwanza.
War qoraal ah oo uu soo saartay Axadii, Wamalwa waxa uu ku eedeeyay dowladda in ay qorsheyneyso in ay soo celiso siyaasadaha canshuuraha cusub iyada oo loo marayo barlamaanka.
Wamalwa, oo katirsanaa Golaha Wasiirada ee maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta, ayaa tilmaamay in dowladda ay dooneyso in ka faa’iideysato taageerada xisbiga (ODM) si ay ugu riixaan tallaabooyin canshuur kordhin ah.
Si kastaba ha ahaatee, Wamalwa ayaa tilmaamay in Azimio aanu ka daali doonin ka soo horjeedsiga cashuuraha cusub ee looga dan leeyahay in lagu culaysiyo cashuur bixiyayaasha.