Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha barasabyaada oo baaq u dirtay dowladdaha...

Guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha barasabyaada oo baaq u dirtay dowladdaha ismaamulada

60
0
Guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha barasabyaada ahna  barasaabka Tharaka Nithi Muthomi Njuki ayaa ugu baaqday dowladdaha ismaamulada  inayka  feejignaadaan cudurka  MPOX oo qaarada ka dilaacay.

Isagoo shalay ka hadlayay  kaniisada PCEA ee Chuka, Muthomi ayaa sidoo kale ku boorisay  dadweynaha inay taxaddar muujiyaan.

Njuki ayaa sheegtay in maamul goboleedyada ay si dhow ula shaqeynayaan Dowladda Qaranka si loo xakameeyo cudurka.

Kenya ayaa ilaa hadda xaqiijisay hal kiis oo MPOX ah oo ka dhacay ismaamulka Taita Taveta.

Bukaanku ayaa  soo kabsaday waxaana laga soo saaray isbitaalka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in hal kiis oo kale oo looga shakinsan yahay cudurkaasi laaga soo sheegay Magaalada Thika isla markana hada laga war sugaayo natiijooyinka baaritaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here