Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Taliyaha booliska ee ismaamulka Garissa oo ka codsaday dadka deegaanka in...

Taliyaha booliska ee ismaamulka Garissa oo ka codsaday dadka deegaanka in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka

95
0

Taliyaha booliska ee ismaamulka Garissa Samuel Boiy ayaa ka codsaday dadka deegaanka in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka si ay gacan uga gaystaan wax ka qabashada falalka amni daradda ee sii kordhaya.

Boit ayaa sheegay  macluumaadka ay soo gudbiyaan Xubnaha dadweynaha ay booliska u sahli doonto in ay  tallaabo degdeg ah ka qaadaan kooxaha burcadda ah ee dadka ku weeraro mindiyo, baangado iyo mararka qaarkood  qoryo.

Isagoo ka hadlayay socdaal nabad ah oo ay soo abaabuleen hay’adaha kala ah Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Xoghaynta Maareynta Xuduudaha iyo Xarunta Qaranka ee La-dagaalanka Argagaxisada (NCTC) oo kaashanaya hay’adaha ammaanka ee degmada Gaarisa, Boit ayaa wadayaasha boda boda-ga ugu baaqay in ay booliska ka caawiyaan sidii loo aqoonsan lahaa dembiilayaasha.


Guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka  Gaarisa Mohamed Mwabudzo, ayaa ku celceliyay in nabadda iyo amniga ay tahay mas’uuliyad ay wadaagaan booliska iyo shacabka oo ay tahay inay wada shaqeeyaan.

Waxa uu faray dhammaan dadka haysta hubka sharci darrada ah in ay isa soo dhiibaan inta lagu guda jiro barnaamijka cafiska ee bisha Sebtembar sanad kasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here