Dhammaan musharrixiinta u tartamaya 8-da jago ee hoggaanka sare ee guddiga Midowga Afrika ayaa laga doonaya in ay Maanta soo gudbiyaan Codsiyadooda.
War qoraal ah oo ka soo baxay AU ayaa lagu sheegay in kaliya magacyada musharixiinta ee uu gobolku soo gudbiyay lagu tixgalin doonaa habka xulista ee ay qaadayaan guddiga sare ee AU-da.
Guddiga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in kaliya dowladaha xubnaha ka ah ee aan ku jirin cunaqabateynta Midowga Afrika loo ogol yahay inay soo gudbiyaan musharaxiinta.
War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in waqtiga kama dambeysta ah ee soo gudbinta musharixiinta u tartameysa jagooyinka ay ku egtahay maanta oo taariikhdu tahay 6-da Agoosto, 2024.
Xilalka loo tartamaya ayaa kala ah Guddoomiyaha guddiga, ku-xigeenka, iyo lix xubnood oo komishanka ah.
Musharixiinta xiisaynaya ayaa lagula taliyay in ay soo gudbiyaan taariikh nololeedkooda, oo ay la socdaan bayaanno aragtiyeed oo qeexaya sida ay u doonayaan in ay horumariyaan ajendaha isbeddelka ee Midowga Afrika, iyo in ay wax ka qabtaan caqabadaha jira iyo kuwa soo ifbaxaya ee qaaradda.
Doorashooyinka jagooyinka ayaa la qaban doona bisha Febraayo ee 2025 inta lagu guda jiro Shir Madaxeedka Midowga Afrika.