Home Wararka Caalamka(international news Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo la kulmay saraakiisha sare ee amniga qaranka...

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo la kulmay saraakiisha sare ee amniga qaranka ah

107
0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii la kulmay saraakiisha sare ee amniga qaranka, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo suurtagalnimada weerar aargoosi ah oo Iran ay ku qaado Israel.

Biden waxa uu sheegay in saraakiisha lagu wargaliyay diyaar garowga lagu taageerayo Israa’iil haddii la soo weeraro, halka xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken uu sheegay in saraakiishu ay “saacad kasta” ka shaqaynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xaalad kacsanaan ah.

Xiisada ayaa sare u kacday toddobaadkii la soo dhaafay kadib dilkii hogaamiyihii siyaasada ee Xamaas Ismail Haniyah, kaas oo Iran ay ku eedaysay Israel ayna wacad ku martay inay qaadeyso tallaabo aargoosi oo “aad u daran”. Israa’iil ma sheegan mas’uuliyadda dilka.

Dalal badan, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK, ayaa sidoo kale u sheegay muwaadiniintooda inay ka baxaan Lubnaan, halkaas oo laga cabsi qabo in Xisbullah, oo ah koox ay taageerto Iran ay door ku yeeshaan jawaab kasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here