Madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa wareysatay dadka u tartami kara inay noqdaan ku xigeenkeeda ee doorashada shaley Axaddii, ka hor safar olole ah oo todobaad qaadan doona.
Mas’uuliyiinta u safray Washington, DC, si ay ula kulmaan Ms Harris waxaa ka mid ahaa barasab Josh Shapiro, Senator Mark Kelly iyo Gudomiye Tim Walz.
Doorashada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Dimuqraadiga ah ayaa lagu soo koobay ilaa shan ruux.
Go’aan ayaa loo baahan yahay ka hor Shirweynaha Qaran ee Dimuqraadiga, kaasoo ka bilaabmaya 19ka Agoosto Chicago.
Ma cadda in murashaxiinta kale ee suurtagalka ah, oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Kentucky Andy Beshear ama Xoghayaha waaxda Gaadiidka Pete Buttigieg, loo qorsheeyay inay la kulmaan Ms Harris.
Marka lagu dhawaaqo ku-xigeenka murashaxa ee Ms Harris, labadooduba waxa la filayaa inay socdaal ku maraan gobolada dalkaas si ay olole u sameeyaan.
Shapiro ayaa loo arkaa midka ugu cadcad maadaama la doortay 2022-kii waxana uu ka caawin karaa Ms Harris helitaanka codad badan oo ah gobolka Pennsylvania – oo ah gobol ay waajib tahay in uu ku guuleysto qofka noqonaya madaxweynaha Mareykanka.