Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Xisbiga UDA oo loogu baaqay inuu dib u eegis ku sameeyo dastuurkiisa

Xisbiga UDA oo loogu baaqay inuu dib u eegis ku sameeyo dastuurkiisa

84
0

Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga  UDA ee ka soo jeeda kauntiga West Pokot ayaa ku baaqay in dib u eegis degdeg ah lagu sameeyo dastuurka xisbiga.

Xildhibaanka Sigor Peter Lochakapong, ayaa sheegay in hogaamiyayaasha xisbiga ee ka soo jeeda West Pokot ay la kulmeen caqabado intii lagu guda jiray doorashooyinkii deegaanada hoose ee dhawaantan , taas oo ku qasabtay in ay aadaan maxkamada.

Lochakapong waxaa kale oo uu ka dhawaajiyay isqabqabsiga xisbiga dhexdiisa ah ee xilka looga qaaday Cleophas Malala oo ahaa Xoghayaha Guud ee xisbiga iyo magacaabista Xasan Cumar ee jagadaas.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu Madaxweynaha ku bogaadiyay in xubnaha Xisbiga ODM uu ku soo daray Golihiisa Wasiirada, isaga oo sheegay in tallaabadaasi ay dejisay heer kulka siyaasadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here