Home Ciyaaraha (sports) Xafladda furitaanka Ciyaaraha Olombikada Paris 2024 oo Caawa Furmaya

Xafladda furitaanka Ciyaaraha Olombikada Paris 2024 oo Caawa Furmaya

141
0

Xafladda furitaanka ciyaaraha Olombikada Paris ee 33-aad ayaa lagu wadaa in caawa oo Jimca ah xariga laga jaro.

Xafladda ayaa ka dhaci doonta agagaarka wabiga Seine ee caasimadda Faransiiska.

Xafladda Olombikada ayaa ka dhici doonta goob bannaan ah markii ugu horreysay.

Inta lagu guda jiro xafladda furitaanka, cayaartoyda ayaa la filayaa in ay lix kiilo mitir u raacaan doomo ilaa dhismaha Eiffel Tower.

Ammaanka guud ahaan magaalada Paris ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyinka waaweyn ee soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada.

Kooxda Kenya oo ka kooban 81 ciyaartoy ayaa ku tartami doona lix qaybood oo kala ah; Judo, deyrka, dabaasha, rugby kubbaddab haweenka iyo ciyaaraha fudud.

Kenya waxaa u matalaya 54 Orodyahan ; 2 dabaasha, 1 Bootin ah iyo Judo iyo sidoo kale 12 Rugby iyo Volley ball.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here