Madaxweyne William Ruto ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu jiro qorshe lagu iibinayo garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA).
Madaxweynaha ayaa sheegay in JKIA ay tahay kheyraad qaran oo istaraatiiji ah oo aan la iibin karin wax waliba oo dhaca.
Isagoo ka hadlayay magaalada Mombasa fiidnimadii horeĀ ee xalay intii uu ku guda jiray shirkii ugu horeeyay ee uu la qaatay shacabka Mombasa, madaxweyne Ruto ayaa sheegay in maamulkiisu uu aad u daneynayo ballaarinta garoonka si uu ula mid noqdo garoommada kale ee ugu wanaagsan caalamka iyo sidoo kale
kordhinta rakaabka iyo howlaha xamuulka sanadlaha ah.