Madaxweyne William Ruto ayaa difaacay in la soo dhiso xukuumad sal-ballaaran oo uu dib u soo dhisay golihiisa wasiiradda, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo maskaxeed oo la doonayo in lagu soo afjaro kala qaybsanaanta dalka.
Isagoo ka hadlayay ismaamulka Tharaka Nithi ayuu madaxweynuhu sheegay in golaha cusub ee wasiirada marka la ansixiyo ay kobcin doonaan isbedel dhaqaale iyadoo loo marayo Ajendaha Isbadalka Dhaqaalaha .
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay dadka deegaanka Tharaka Nithi in uu ku qanacsan yahay magacaabista Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Isuduwidda Qaranka Professor Kithure Kindiki waxqabadkiisa taasi oo keeentay in dhib loo magacaabo.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada mudaaharaadaya inay taageeraan safka cusub oo ay ka fogaadaan colaadaha iyadoo loo eegayo danta dalkaa.