Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Maxkamadda sare oo ka mamnuucday golaha ammaanka qaranka in ay saraakiil booliis...

Maxkamadda sare oo ka mamnuucday golaha ammaanka qaranka in ay saraakiil booliis ah u diraan dalka Haiti

133
0

Maxkamadda sare ayaa ka mamnuucday golaha ammaanka qaranka in ay saraakiil booliis ah u diraan dalka Haiti.

Xukun uu maanta soo saaray, ayuu garsoore Chacha Mwita wuxuu ku sheegay in golaha ammaanka qaranka uusan lahayn awood ah inuu saraakiil booliis ah u diro dal kale.

Mwita ayaa sheegay in qaabka loo adeegsaday soo jeedinta sarakiisha loogu dirayo wadanka kaleĀ  uu yahay mid aan dastuuri ahayn oo aan waxba ka jirin.

Waxaa uu sheegay in Golaha Amniga Qaranka uusan sharci u heysan in la geeyo Ciidamo Boolis ah oo sharciga waafaqsan, waxaa uuna intaa raaciyay in ay kaliya diriĀ  karaan Ciidamada Difaaca.

Golaha Ammaanka Qaranka, ayaa bishii October ee sannadkii hore, ka codsaday Baarlamaanka inay ansixiyaan in saraakiisha Boliska Kenya loo diro Hawlgalka Ammaanka ee ay QM taageerto ee Haiti oo ay dagaalladu halakeeyeen.

Xubnaha baarlamaanka ayaa tan iyo markaas ansixiyay in la geeyo booliska wadankan.

Ansixinta Baarlamaanka ayaa timid iyadoo amar Maxkamadda Sare ay si ku meel gaar ah u joojisay in la geeyo qorshaha la sugayo inta laga dhageysanayo dacwad uu gudbiyay hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Party Ekuru Aukot iyo labo kale oo dacwoodeyaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here