Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya (Supkem) laantiisa Gaarisa ayaa ku eedeeyay diiwaan-hayaha bulshada inay sii hurinayaan khilaafka hoggaanka ee golahaasi.
Warqad uu soo saaray Diiwaan-hayaha Ururada Bulshada oo ku taariikhaysan Janaayo 23, 2023, ayaa lagu xaqiijiyay in Yusuf Abdulrahman Nzibo uu wali yahay Gudoomiyaha SUPKEM.
Si kastaba ha ahaatee, goluhu waxa uu sheegay in Nzibo ay xilka ka qaadeen golaha qaran ee maamulka sannadkii 2017-kii,isagoo aaday Maxkamada si uu uga horyimaado go’aanka.
Kiiskaan ayaa la sheegay in la laalay sanadkii hore iyadoo diiwaan hayaha uu xaqiijiyay Ole Naado inuu yahay hogaamiyaha SUPKEM.
Culimaa’udiinka ayaa ku doodaya in bishii Sebtembar ee sanadkii hore uu diiwaan hayaha u bedelay magacyadii hogaanka SUPKEM oo sanadkii 2017 lagu bedelay, taasoo kooxda uu hogaamiyo Ole Naado ku qasabtay inay ka soo horjeestaan go’aankaas, waxaana la soo saaray amar maxkamadeed oo ka mamnuucaya diiwaan hayaha inuu faragelin ku sameeyo hogaanka ururka.
Hogaamiyayaasha Gaarisa oo uu ugu horeeyo ku xigeenka xoghayaha abaabulka Deghow Iimaan ayaa ku sheegay in ay garab taagan yihiin Ole Naado.