Maxkamadda Racfaanka ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso qaadista Canshuurta Guryaha ilaa dacwadaha ka dhanka ah barnaamijka la dhageysto lagana go’aamiyo.
Garsoorayaasha kal ah Lydia Achode, John Mativo, iyo Mwaniki Gachoka ayaa go’aamiyay in canshuurta guryeynta loo hakiyay sida ay ku dhawaaqday Maxkamadda Sare.
Waxa kale oo ay Maxkamada amartay in aan shaqaalaha dowladda aanan laga jarin canshuuraha wixii ka dambeeya 26-ka bisha Januaray ee 2024-ka.
Garsoorayaashu ayaa ku dooday inay cadaalad darro tahay in lacagtaas laga jaro shaqaalaha maadaama aan la saadaalin karin xukunka ugu dambeeya ee Maxkamada.
Hadii Maxkamada ay xukunto in canshuurta ay sharci daro tahay, waxaa dowladda ku adkaan doonta soo celinta lacagihii ay shaqaalaha ka jartay.
Maxkamada ayaa sido kale sheegtay in nidaamka uruurinta Canshuurta guryeynta uu yahay Mid aan sax ah ahayn Maadama canshuurtaasi laga qaado shaqaalaha dowladda oo kaliya.
3-dii Janaayo ee sanadkan maxkamadda racfaanku ayaa taageertay xaaladda hadda taagan ee ku saabsan aruurinta canshuurta ilaa 26-ka bishan markaasi oo ay maxkamada sheegtay in ay go’aan ka gaari doonto arrintan.