Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) EACC oo shalay xabsiga dhigay Dolal Mahamed Mahamuud oo ah Maareeyaha Shirkadda...

EACC oo shalay xabsiga dhigay Dolal Mahamed Mahamuud oo ah Maareeyaha Shirkadda Biyaha iyo bullaacadaha ee Gaarisa

124
0

Guddiga Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa ee EACC ayaa shalay xabsiga dhigay Dolal Mahamed Mahamuud oo ah Maareeyaha Shirkadda Biyaha iyo bullaacadaha ee Gaarisa (GAWASCO).

Dolal ayaa la sheegay in uu ka been abuurtay Shahaadadiisa KCSE-da si uu u helo ogolaanshaha koorsada shahaado ee Jaamacadda Nairobi.

Eedeysanaha ayaa lagu eedeyay in shahaadada KCSE-da uu helay darajada D plain balse uu sameystay shahaado been abuur ah oo C plus ah taasi oo u sahashay in uu Jaamacada ku biiro.

Xarigiisa ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii ay hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa uga digtay Kenyaanka in ay u adeegsadaan shahaadooyin been abuur ah si ay u helaan shaqo, iyagoo intaa ku daray in kuwa lagu helo lagu qasbi doono in ay dib u bixiyaan dhamaan musharaadkii ay dowladda ka qaateen.

Afhayeenka EACC Eric Ngumbi ayaa xaqiijiyay xariga.

Dolal ayaa la dhigay xabsiga booliska iyadoo la sugayo in maxkamad la soo taago Maanta oo jimcaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here