Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Kenya oo loo doortay in ay noqoto Guddoomiyaha Hay’adda Qaramada Midoobay u...

Kenya oo loo doortay in ay noqoto Guddoomiyaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalxiiska Adduunka (UNWTO)

93
0

Kenya ayaa loo doortay in ay noqoto Guddoomiyaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalxiiska Adduunka (UNWTO) gaar ahaan Guddiga Dalxiiska iyo Tartanka, taasi oo xoojinaysa booskeeda hoggaamiyenimo ee dalxiiska adduunka.

Arrintan ayaa Waxaa looga dhawaaqay shirkii ugu horeeyay ee guddiga oo ka dhacay xarunta UNWTO ee magaalada Madrid ee dalka Spain.

Wasaaradda Dalxiiska ayaa sheegtay in Kenya ay ku guuleysatay xilkaasi kadib labo wareeg oo codbixin ah, iyadoo ka adkaatay  dalalka Thailand iyo Malta.

Xoghayaha Wasaaradda Dalxiiska Dr. Alfred Mutua ayaa ku tilmaamay doorashadan mid taariikhi ah oo dalka u soo hoyatay maadaama ay Kenya ay awood u yelaan doonto in ay fariisato miiska go’aan ka gaarista arrimaha saameeya dalxiiska adduunka.

Wuxuu intaas ku daray in dalxiisku uu yahay tiir muhiim u ah dhaqaalaha Kenya, isagoo xusay in guddoomiyenimada guddiga ay ogolaanayso in xubnaha kale ee UNWTO ay la midoobaan qaabeynta siyaasadda, dhisidda iskaashiga, iyo horumarinta hababka ugu wanaagsan ee dalxiiska.

Agaasimaha fulinta ee UNWTO, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u jooga Geneva, Zoritsa Urosevic ayaa Kenya ugu hambalyeysay xaqiijinta jagada guddoomiyenimada iyadoo qireysa guulaha Kenya ay ka gaartay waaxda dalxiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here