Qareenka sare ee Ahmednaasir Abdullaahi ayaa la kulmay xayiraadii ugu horeysay ee maxkamada ka dib markii Maanta shirkadiisa ama laftiisa loo ogolaan waayay in ay qof ku matalaan Maxkamada.
Ahmednasir ayaa lagu waday in uu Maanta Maxkamada sare ee supreme court ku matalo Mama Cherubet Chelugui.
Mama Chelugui oo hadda jirsatay 94 jir isla markaana aad u xanuunsan ayaa ku guuleysatey magdhow dhan 1 bilyan oo shilin kadib markii ay kiis kuusabsan dhul-beereed la boobay ay uga guuleysatay Madaxweynihii hoore ee dalka Daniel Arap Moi.
Fariin uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Ahmednasir Abdullahi uga Mahadceliyay madaxa cadaalada Martha Koome sida ay haweneydaasi da’da ah ee uu isaga matalayay ugu ogolaatay in ay qareen kale qabsato isla markana kiiskeeda loogu horumariyay maadama ay xanuunsan tahay.
Maxkamadda sare ayaa ka mamnuucday qareen Axmednaasir horyimaado maxkamaddaasi ama uu qof ku matalo kadib markii lagu eedeeyay in uu si aan kala joogsi lahayn u weerayay garsoorayasha maxkamadaasi.