Home Ciyaaraha (sports) Newcastle oo ogolaatay inay fasaxdo mid ka mid ah xiddigaheeda ugu Fiican

Newcastle oo ogolaatay inay fasaxdo mid ka mid ah xiddigaheeda ugu Fiican

163
0
NEWCASTLE UPON TYNE, ENGLAND - AUGUST 12: Bruno Guimaraes of Newcastle United during the Premier League match between Newcastle United and Aston Villa at St. James Park on August 12, 2023 in Newcastle upon Tyne, England. (Photo by Robbie Jay Barratt - AMA/Getty Images)

Kooxda Newcastle United ayaa ogolaatay inay iibiso mid ka mid ah xiddigaheeda ugu fiican, si ay iskaga fudaydiso culaysyada haysta ee ah in lagu samaynayo baadhitaanno iyadoo lagu tuhunsan yahay inay jabisay sharciga dhaqaalaha.

Ciyaartooyo dhawr ah ayaa la hadal hayaa inay iibin doonto Newcastle United, waxaana ka mid ah mishiinka khadka dhexe ee Bruno Guimaraes oo ay doonayaan kooxo waaweyn oo reer Yurub ah sida Real Madrid iyo PSG, iyo waliba weeraryahanka reer Sweden ee Alexander Iska.

Laakiin ka hor inta aan la gaadhin labadan ciyaartoy, waxay Newcastle United ogolaatay inay kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Shabaab ka iibiso xiddiga reer Paraguay ee Miguel Almiron oo ka mid ah laacibiinta ugu wanaagsan ee ay haysato Magpies.

Miguel Almiron oo ay d’adiisu tahay 29 jir, ayay Newcastle kasoo iibsatay Atalanta United sannadkii 2019, iyadoo kasoo bixisay £20.7 milyan oo Gini, waxaanu illaa hadda u saftay 195 ciyaarood oo uu u dhaliyey 30 gool.

Laacibkan ayaa la sheegay in uu isaguna ogolaaday inuu tago horyaalka Sucuudiga oo uu ka helayo mushahar aad uga badan midka uu hadda ka qaato kooxdiisa Newcastle United.

Newcastle United ayaa sidoo kale la sheegay inay ka tegayaan difaaca midig ee Kieran Trippier oo ay doonayso Bayern Munich iyo weeraryahanka reer England ee Callum Wilson oo ay doonayso Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here