aaxda saadaasha hawada ee dalka Kenya ayaa sheegtay in inta badan gobolada dalka la filayo in todobada maalmood ee soo socda aysan Wax roob ah ka da’in.
War qoraal ah oo uu soo saaray agaasimaha Waaxda saadaasha hawada ee dalka Dr. David Gikungu waxa uu ku sheegay in meelo yar oo ka mid ah koonfurta Rift Valley, koonfur-bari ee hoose ee hoose, Highland East ee Rift Valley iyo Xeebta ay u badan tahay in ay helaan roobab fudud iyo kuwp dhexdhexaad isbuucan.
Waaxda Sadaasha hawada ayaa sheegtay in heerkulka cadcada ee gobolada Xeebta, Waqooyi-bari iyo Waqooyi-galbeed ee Kenya uu gaari doono 30 darajo.
Inta badan todobaadkii hore qaybta koonfureed ee dalka oo ay ku jiraan buuralayda Bari iyo Galbeedka Rift Valley ayaa waxaa ka da’ay roobab badan oo sababay fatahaado sababay inay hakiyaan isu socodkii waddooyinka ee meelaha qaar.