Home Wararka Caalamka(international news Joe Biden oo laga wareystay dukumentiyada sirta ah ee lagu helay

Joe Biden oo laga wareystay dukumentiyada sirta ah ee lagu helay

110
0

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa waraysi lagala yeeshay iyada oo arrintan qayb ka tahay baadhitaanka lagu samaynayo dukumentiyada sirta ah ka dib markii uu ka tagay xilka madaxweyne ku xigeenimo sannadkii 2017.

Biden ayaa si iskiis ah ula kulmay lataliyaha gaarka ah Robert Hur oo u kula kulmay aqalka cad laba maalmood, sida ay saraakiishu sheegeen.

Ian Sams, oo ah afhayeenka Biden, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in wareysiga la qaaday Axaddii iyo Isniintii.

Dukumeentiyada ayaa waxaa helay gacanyarayaasha Biden oo ku sugnaa xafiis uu isticmaalay ka dib markii uu ka tagay jagada madaxweyne ku xigeenka, iyo ka hor inta uusan bilaabin ololihiisa Aqalka Cad.

Biden ayaan soo oogin wax dambi ah.

Ma aha wax aan caadi ahayn in madaxweynayaasha ay waraystaan baarayaashu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here