Home Ciyaaraha (sports) Chelsea iyo AS Roma oo ka heshiiska iibka Romelu Lukaku

Chelsea iyo AS Roma oo ka heshiiska iibka Romelu Lukaku

216
0

Naadiga Chelsea ayaa heshiis la galay  Roma oo ay isla meel-dhigeen qiimaha ay ku kala iibsanayaan weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo xagaagii amaah ay ku qaadatay kooxda Talyaanigu.

Romelu Lukaku ayaa bishii August waxaa uu amaah ku tegay caasimadda Talyaaniga ee Roma, waxaana siddeed kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay uu dhaliyey toddoba gool, waxaanay dhinacyadu diyaar u yihiin in heshiiska amaahda ah loo beddelo mid rasmi ah.

Lukaku oo aan qayb ka noqon kulamadii saaxiibtinimo ee Chelsea ee xagaagii, ayay laba sannadood ka hadhsan yihiin qandaraaska uu kula jiro Blues, waxaana ay kooxda reer London doonaysaa in ay si rasmi ah uga iibiso Roma.

Chelsea iyo Roma ayaa ku heshiiyey in ay Romelu Lukaku kula kala wareegaan £37 milyan oo Gini oo ah naqad ay halmar bixinayso Roma sida ay wararku sheegayaan.

Laacibkan oo sannadkii 2021 ay Chelsea kaga soo iibsatay Inter Milan lacag rikoodh jabis ahayd oo ah £97.5 milyan oo Gini, ayaa muddadii uu joogay Stamford Bridge ku dhibtooday, isaga oo kaliya u dhaliyey siddeed gool oo horyaalka Premier League ah xilli-ciyaareedkii 2021-22.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here