kubadda cagta Barcelona ayaa bararro niyad-jab ah ka tuugtay kooxda yar ee Real Mallorca oo laba jeer goolal kala hormartay qaybtii hore kulan kusoo dhamaaday barbarro 2-2 ah oo uu Xavi Hernandez ka shalaaynayo go’aamadii uu qaatay ciyaarta ka hor.
Barcelona ayaa laba jeer ka daba timid Real Mallorca oo goolal kala hormartay, iyadoo beddello uu sameeyey Xavi ay ka caawiyeen in ay hal dhibic oo waqti dambe ah kasoo helaan Estadi Mallorca Son Moix oo inta badan ay iyagu kubadda ku daadahaynayeen laakiin ay ka maqnayd sirta dhalinta goolashu.
Daqiiqadii 8aad ee bilowga ciyaarta ayay Mallorca u dabbaal-degtay goolkeeda koowaad oo uu u dhaliyey Vedat Muriqi oo ahaa xiddiga garoonka oo ka faa’iideeyey kubbad uu ka helay Antonio Sánchez.
Goolkan ayaa waxa sabab u ahaa qalad xun oo uu sameeyey goolhaye Ter Stegen oo baas uu difaaciisa u dhiibayey lugta u geliyey Real Mallorca oo ay weerarkeedu si fiican uga faa’iidaysteen.
Barcelona oo ogsoonayd in ay hoggaanka si buuxda iskugu ballaadhinayso oo ay ka baxsanayso Girona oo ay isku dhibco ahaayeen ayaa ku dedaashay in ay qaybta horeba ciyaarta barbarro ka dhigto.