Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Ururka dowlad goboleedyada IGAD oo maanta qabanaya shir muhiim ah

Ururka dowlad goboleedyada IGAD oo maanta qabanaya shir muhiim ah

106
0

Ururka  dowlad goboleedyada  IGAD ayaa maanta qabanaya shir muhiim ah oo heer wasiir ah oo looga hadlayo sidii loo dhameystiri lahaa siyaasadda dhalinyarada IGAD.

Shirka Wasiiradda oo ka socda Hotel ku yaalla Nairobi ayaa daba socda shir ay isugu yimaadeen Khubarada Farsamo oo laba maalmood socday, kaasi oo bilowday maalintii Axadda.

Horumarinta Siyaasadda Dhallinyarada IGAD waxay ku lug lahayd la-tashiyo ballaaran oo lala yeeshay Khubarada Farsamo ee u qaabilsan Arrimaha Dhallinyarada ee ka kala socda dalalka xubnaha ka ah, Golayaasha Dhallinyarada Qaranka, Ururrada ay dhallinyaradu hoggaaminayaan, iyo Xoghaynta IGAD.

Kulankan oo socday laba maalmood oo ay khubarada farsamada gacanta ku hayeen, ayaa Agaasimaha Fulinta ee Isku-xidhka Dhallinyarada Geeska Afrika, David Momanyi, ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in dib-u-eegis iyo is-waafajin lagu sameeyo dukumeentiyada siyaasadeed ee jira si loo horumariyo siyaasad dhammaystiran oo dhalinyaradda ah oo wax ka qabta tabashooyinka dhallinyarada si hufan Gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here