Mid ka mid ah xulafada aadka ugu dhaw Ukraine, ee Poland, ayaa ku dhawaaqday in aysan mar dambe hub siin doonin dalkaasi, iyada oo uu cirka isku sii shareerayo muranka dublamaasiyadeed ee ku saabsan haruurka.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi ayaa sheegay in taa badalkeeda ay xoogga saari doonaan sidii ay iskugu hubeyn lahaayeen hub casri ah.
Talaabadan ayaa ku soo beegantay iyada oo ay cirka isku sii shareereyso xiisada u dhaxeysa labada dal.
Talaadadii, Poland ayaa u yeertay safiirka Ukraine, sababo la xiriira hadal uu madaxweyne Volodymyr Zelensky ka jeediyay shirka Qaramada Midoobay.
Waxaa uu sheegay in quruumaha qaar ay iska dhigeen midnimada Ukraine, taasoo ay ku dhaleeceysay “mid aan cudur daar ahayn oo ku saabsan Poland, oo taageertay Ukraine tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka”.
Poland ayaa taageero badan siisay Ukraine oo ay iska difaacayso Ruushka, waxayna ku boorisay Jarmalku in uu dalkaasi siiyo taangiyada dagaalka ee Leopard 2, iyo diyaarado dagaal oo uu u yaboohay dalkaasi iyo soo dhawaynta in ka badan 1.5 milyan oo qaxootiga Ukraine ah.