Ku-simaha Taliyaaha Guud ee Bilayska, Gilbert Masengeli, ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka inay si dhaw
iskula shaqeyaan si loogu guulaysto wax ka qabashada dembiyada soo ifbaxaya ee dalka.
Isagoo ka hadlayay ka dib markii uu la kulmay dhammaan Taliyeyaasha Booliska Nairobi oo ka dhacay Kuliyadda Booliska Qaranka ee Embakasi, Masengeli oo sido kale ah Taliye ku xigeenka Booliska Maamulka, ayaa ku nuux-nuux saday in ammaanka dalka uu yahay waxa ugu muhiimsan ee uu dalka haysto.
Wuxuu kula dar daarmay saraakiisha amniga in ay xaqiijiyaan in dalka uu yahay mid nabad ah isla markaana ay ilaaliyaan hantida guud iyo mida gaarka ah.
Masengeli ayaa iftiimiyay baahida loo qabo hogaan wanaagsan isagoo saraakiishu ugu baaqay in ay waajibaadkooda gutaan.