Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Kenya oo ku biirtay dalalka ku boorinaya muwaadiniintooda inay ka baxaan Lubnaan

Kenya oo ku biirtay dalalka ku boorinaya muwaadiniintooda inay ka baxaan Lubnaan

71
0

Kenya ayaa ku biirtay dalalka ku boorinaya muwaadiniintooda inay ka baxaan Lubnaan, iyadoo xiisadda sii korortay ay dhalisay cabsi laga qabo colaado baahsan oo ka dhaca dalalka Bariga Dhexe.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku boorisay muwaadiniinta Kenyanka ah ee ku nool dalka Lubnaan in ay isaga baxaan dalka ama ay u guuraan goobo nabdoon.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Qurba-joogta, Dr. Korir Sing’oei, ayaa kula taliyay dadka Kenyanka ah ee ku sugan Lubnaan inay is-diiwaangeliyaan si ay uga baxaan oo ay u guuraan aagagga nabdoon ee loo cayimay.

Wasaaraddu waxa ay sidoo kale soo saartay lambarada khadka degdega ah ee dadka Kenyanka ah ee ku nool Lubnaan.

Dr. Korir waxa uu ku booriyay in ay wacaan +96590906719 ama +96171175006 ama +254114757002 si loo daadgureeyo.

Wasaaradda ayaa sidoo kale amartay Kenyanka ay xubnaha qoyskooda   ku sugan yihiin  Lubnaan, inay wacaan +254114757002 si loo fududeeyo isku-duwidda badbaadada.

Wasaaraddu ayaa u xaqiijisay dadka Kenyanka ah ee Qurbaha ku nool in ammaankooda uu yahay ahmiyadda koowaad.

Gobolka Bariga Dhexe ayaa waxaa ka taagan xiisad xooggan ka dib markii Iran ay wacad ku martay inay Israa’iil uga aargudan doonto dilkii Ismaaciil Haniyah oo ahaa hoggaamiyihii Xamaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here