Madaxwaziirada Musalia Mudavadi ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda uga go’an tahay xoojinta Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Tababarrada (TVET.
Isagoo ka hadlayay shalay mar uu la socday Madaxweyne William Ruto xafladda xiritaa machadka Farsamada Gacanta iyo Tababarka (TVET) Kabete National Polytechnic wuxu sheegay in Dowladda waxaa ka go’an in ay sare u qaaddo waxbarashada farsamada gacanta iyadoo diiradda la saarayo in tababarayaasha lagu qalabeeyo xirfado iyo karti horumarsan si loo daboolo baahida suuqa shaqada.
Wuxuu sheegay in dowladdu ay hiigsaneyso in ardayda ka qalin jabisay nidaamka TVET-ga ay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan fursadaha shaqo ee gudaha iyo dibadda, iyadoo dhanka kalana la kobcinayo jawi dhiirigelinaya isku filnaansho iyo hal-abuur ganacsi.